Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 22-aad ee Golaha Shacabka BJFS

Muqdisho,25,02,2023: Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 22-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;
  1. Akhrinta 1-aad iyo Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
  2. Kadoodista warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Aqoonisga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
  3. Kadoodista warbixinta Akhrinta 2aad Handise Sharciyeedka Socdaalka.
  4. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedyada Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xildhibaanada ka hor aqriyey sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
 
Wasiirka ayaa fadhiga xildhibaanada la wadaagay faahfaahin iyo sharaaxaad ku saabsan wax kabadalka lagu sameeyey sharcigaan asigoona sheegay in uu muhiim u yahay dalka iyo dadka soomaliyeed wasiirka ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay meelmariyaan sharcigaan Intaasi kadib xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay sharcigaan ayagoona iftiimiyay qodabada ku jira sharcigan oo muhiim u ah dadka soomaliyeed dooda xildhibaanada kadib Guddoomiyaha ayaa faray kusimha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Ahana Xoghaye ku xigeenka Mudane.Maxamed cabdulahi cabdi(ciyow) in uu ku wareejiyo sharcigaan Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda BJFS si ay ugu soo shaqeyaan.
Intaasi kadib xildhibaanada ayaa dood adag oo toosan iyo turxaan bixin ah ka yeeshay labada sharciyada kala ah:
  • Hindise Sharciyeedka Aqoonisga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha; iyo
  • Handise Sharciyeedka Socdaalka.
Ugu dambeyntii Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka, asigoona sheegay in kulankaan kulankiisa xiga inay dhameeystiri doonaan dooda ku saabsan Handise Sharciyeedka Socdaalka.
 
 
 
 
 
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya