Comments Box SVG iconsUsed for the like, share, comment, and reaction icons

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHIR-GUDDOOMIYEY SHIRKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDOOMIYAASHA BAARLAMAANADA BULSHADA BARIGA AFRIKA.

Nairobi, Kenya – 29 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulanka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaanada iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa kaga hadlay arrimo muhiim u ah horumarinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, isagoo ugu horreyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaranka Kenya iyo Baarlamaanka dalkaasi uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey madaxda iyo wafuuda ka qaybgalaysa kulanka, iyo sidoo kale qabanqaabada heerka sare ah ee loo sameeyey martigelinta kulankan muhiimka ah, waxa uuna sidoo kale u mahadceliyey Xoghayeyaasha Baarlamaannada iyo Xoghayeyaasha Guud dadaalka, hawlkarnimada iyo diyaar-garowga ay muujiyeen intii uu socday kulankii farsamo ee diyaar-garowga shirkan, kaas oo qabsoomay 27-ka iyo 28-ka Oktoobar 2026.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay laba qodob oo muhiim ah, waxaana qodobka koowaad uu ku saabsanaa dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta go’aankii Shir-madaxeedka Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee ku saabsan gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), kaas oo la qorsheeyey inuu dhaqan galo Diseembar 2027.

Qodobka labaad ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga hadlay khudbadiisa ayaa ku saabsanaa dhageysiga warbixin ku saabsan diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC Inter-Parliamentary Games), oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhexeysa 4-ta iyo 15-ka Diseembar 2026.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar-garowday ka qaybgalka ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, isla markaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u diri doono wafdi isboorti oo ka qaybqaata tartanka, si loo xoojiyo xiriirka, saaxiibtinimada, isku-duubnida iyo is-dhexgalka Baarlamaannada iyo dalalka gobolka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada ku dhiirrigeliyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa go’aanno ku habboon, wax-ku-ool ah oo la wada qaadan karo, kuwaas oo u adeegaya danta guud ee Baarlamaannada iyo guud ahaan Bulshada Bariga Afrika.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muujiyey kalsoonidiisa ku aaddan in wada-tashiga iyo iskaashiga Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika uu horseedi doono natiijooyin wax-ku-ool ah oo xoojinaya wada-shaqeynta baarlamaanada, kobcinaya isku-duwidda hay’adaha, isla markaana horumarinaya himilooyinka iyo ujeeddooyinka wadajirka ah ee Bulshada Bariga Afrika, wuxuuna caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada wadatashi wax-ku-ool ah iyo xoojinta iskaashiga Baarlamaannada gobolka.

DHAMMAAD.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
media@parliament.gov.so
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: www.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.
...

Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA NAIROBI.

Nairobi, kenya – 29 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hagaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo uu ugu horreeyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa magaalada Nairobi ku shir-guddoomin doona shirka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika oo maanta dhacaya.

Shirkan oo ay isugu imaanayaan Guddoomiyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, ayaa looga hadli doonaa iskaashiga baarlamaannada, xoojinta xiriirka hay’adaha sharci-dejinta iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim u ah wada-shaqeynta dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika.

DHAMMAAD.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
media@parliament.gov.so
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: www.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.
...

Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment

GUDDIGA XUQUUQUL INSAANKA, HAWEENKA IYO ARRIMAHA BANI’AADANIMADA EE GOLAHA SHACABKA OO SOO GABAGABEEYAY KA DOODISTA LABA HINDISE-SHARCIYEED OO MUHIIM AH.

Muqdisho, Soomaaliya – 28 Oktoobar 2026: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa soo gaba gabeeyey ka doodista laba Hindise-Sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Hindise-sharciyeedka Reebidda Gudniinka Fircooniga ee Dheddigga iyo Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta.

Kulanka oo ay shir-guddoominaeysay Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Cadar Cali Maxamed, waxaa ka qaybgalay sharciyaqaanno ka qayb qaatay falanqeynta qodobada labada hindise-sharciyeed, kuwaas oo muhiim u ah ilaalinta xuquuqda, caafimaadka iyo badbaadada gabdhaha iyo carruurta Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cadar Cali Maxamed oo kulanka soo xirtay ayaa adkeysay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka habraacyada sharciyeed ee labada hindise-sharciyeed si loo sii ambaqaado marxaladaha xiga ee hannaanka sharci-dejinta.

DHAMMAAD.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
media@parliament.gov.so
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: www.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.
...

Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment
Image attachment
Villa Hargiesa - Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

A Historical Journey of the House of People

The House of People, known as Golaha Shacabka BJFS, was established to represent the voice of the Somali people within the federal system. Since its inception, it has evolved into a cornerstone of democratic governance, playing a crucial role in legislative processes and national decision-making. Over the years, the institution has adapted to changing political landscapes, striving to uphold the principles of democracy and transparency. Its journey reflects the resilience and aspirations of the Somali nation, continuously working towards a more inclusive and effective parliamentary system.

Key Functions of the House of People

Legislative Authority

The House of People holds the power to propose, debate, and enact laws that shape the nation's legal framework, ensuring justice and equality for all citizens.

Budget Approval

Responsible for reviewing and approving the national budget, the House of People ensures that financial resources are allocated efficiently to meet the country's needs.

Oversight of the Executive

Through rigorous oversight, the House of People monitors the actions of the executive branch, promoting transparency and accountability in governance.

Representation of Citizens

Members of the House of People represent the diverse voices of their constituencies, advocating for policies that reflect the public's interests and concerns.

Constitutional Amendments

The House of People plays a crucial role in proposing and approving amendments to the constitution, safeguarding the nation's democratic principles.

International Relations

Engaging with international counterparts, the House of People fosters diplomatic relations and contributes to global peace and cooperation.

The Role of Parliament in Governance

The parliament, particularly the House of People, serves as a cornerstone of the federal system, balancing power and ensuring that governance is conducted in a fair and democratic manner. By representing the will of the people, the House of People acts as a bridge between the government and its citizens, facilitating dialogue and fostering trust. Its legislative functions, oversight capabilities, and budgetary responsibilities are vital for maintaining the integrity and functionality of the federal system. Through its work, the House of People not only shapes the present but also lays the foundation for a prosperous and stable future.

Former Speakers of the House of the people

Xil. Mohamud Abdikadir Haji (Jeego)

Aden Abdulle Osman

1st Speaker of the House of the People

Xil. Mohamud Abdikadir Haji (Jeego)

Ahmed Sheikh Mohamed Absiye

3rd Speaker of the House of the People

Xil. Mohamud Abdikadir Haji (Jeego)

Ismail Ali Abokor

5th Speaker of the House of the People

Hussein Kulmiye Afrah

7th Speaker of the House of the People

Sharif Hassan Sheikh Aden

9th Speaker of the House of the People

Sharif Hassan Sheikh Aden

11th Speaker of the Parliament of Somalia

Mohamed Mursal Sheikh Abdurahman

13th Speaker of the House of the People

Xil. Mohamud Abdikadir Haji (Jeego)

Jama Abdullahi Qalib

2nd Speaker of the House of the People

Xil. Mohamud Abdikadir Haji (Jeego)

Sheikh Mukhtar Mohamed Hussein

4th Speaker of the House of the People

Mohamed Ibrahim Liqliqato

6th Speaker of the House of the People

Abdallah Isaaq Deerow

8th Speaker of the House of the People

Adan Mohamed Nuur

10th Speaker of the House of the People

Mohamed Osman Jawari

12th Speaker of the House of the People

Adan Mohamed Nuur

14th Speaker of the House of the People