Hoyga
Baarlamaanka
Golaha Shacabka
Aqalka Sare
Howlaha Baarlamaanka
Guddiyada
Golaha Shacabka
Aqalka Sare
Wararka
Wararka Golaha Shacabka
Wararka Aqalka Sare
GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA ANSIXIYAY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MUDANE XAMSE CABDI BARRE,
June 25, 2022
569
font size
decrease font size
increase font size
Print
Email
MUQDISHO JUUN 25,2022; Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1-aad Kulankiisa gaarka ah ee Golaha, waxaana soo xaadiray 220 mudane. Ajandaha kulanka oo ahaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqad ka soo baxday Xafiiskiisa xildhibaanada Golaha Shacabka JFS kaga codsay in ay codkooda kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu soo magacabay waxaana golaha hortooda ka aqriyey xoghayaha guud ee Baarlamaanka mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux. Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha JFS mudane Xamse Cabdi Barre oo xildhibaanada hor-yimid ayaa ka codsaday in codkooda kalsoonida siiyaan si u soo dhiso Xukuumad tayo leh. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo Xildhibaada Golaha Shacabka BJFS codkooda kalsoonida ah, u weeydiiyey Ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay 220 xildhibaan ma jirin wax diiday iyo wax ka aamusay, waxaana Guddoomiyaha ku dhawaaqay in si rasmi ah loo ansixiyey Ra’iisul wasaaraha la soo magacaabay.
Tweet
« GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO KA QAYB GALAY XIRITAANKA SHIRWEYNAHA 11AAD EE BAARLAMAANNADDA AFRIKA.
GUDDIGA GANACSIGA EE GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY WASIIRKA WASAARADA GANACSIGA »
back to top
Hoyga
Baarlamaanka
Golaha Shacabka
Aqalka Sare
Howlaha Baarlamaanka
Guddiyada
Golaha Shacabka
Aqalka Sare
Wararka
Wararka Golaha Shacabka
Wararka Aqalka Sare