GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO KA QAYB GALAY XIRITAANKA SHIRWEYNAHA 11AAD EE BAARLAMAANNADDA AFRIKA.

Johannesburg September 02,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qayb galey xiritaanka shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyey Magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa oo dhexmara dowladaha ku bohoobay Madashan iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey la socodka isbedelka cimilada iyo sidii ay qaaradda iskugu tashan lahayd cunna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika. Ugu dambeyn madaxda ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortago abaaraha soo noqnoqday iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah. Dhammaad
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya