GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BJFS OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM WARSAME ( HADRAAWI)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga tacsiyeeyay Ehelka, Qaraabada, bahda Suugaanta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxayna samir iyo Imman ka siiyo. "Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, qaraabada iyo bahda suugaanta uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe). Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu Abwaanka udub dhaxaad u ahaa Fanka iyo Sugaanta Soomaaliyeed asagoo kaalin weyn ka qaatay baraarujinta bulshada iyo dhiiragelinta Wadaniyadda. DHAMMAAD
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya