Xildhibaanadda Golaha Shacabka OO Maanta Kulan Ku Yeeshay Xarruunta Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankii 2-Aad ee kalfadhigga 4-Aad Ku yeesheen Xarruunta Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa shir gudoominaayay gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Waxaana Kulanka 2-Aad Kalfadhigga 4-Aad ee Golaha Shacabka Soo xaadiray 168 xildhibaan.

Waxaa sidoo kale kulanka joogay gudoomiye ku xigeenadda 1-Aad iyo 2-Aad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa kulankoodii maanta waxa ay kaga doodayeen xaaladda Amni ee Dalka,gaar ahaan xaaaladda Amaanka magaaladda Muqdisho.

 

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya