Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Meel-mariyey Habmaamuska Xeerka lagu aas aasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika

Guddonka Golaha Shacabka Guddonka Golaha Shacabka

Muqdisho:Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka, waxaana goobjoog ahaa 144 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa furitaanka kulanka ka dib laga hor aqriyay Habmaamuska Xeerka lagu aas aasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika oo ay soo diyaariyeen guddiga arrimaha dibada Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaanada u sharaxay muhiimada uu soomaaliya u leeyahay xeerkan iyo sababta keentay in la soo dadajiyo.

“ Xeerkan wax badan ayuu naga caawinaya faa’iido badan aya noogu jirta, shalay golaha wasiirada ayaa ka codsanay in si deg deg ah ay noogu ansixiyaan wayna naga ogolaadeyn, Golaha Shacabka waxa ka codsanaya iney maanta ansixiyaan, madaxweynaha beri wuu saxiixayaa ka dibna wa la diraya welibo arbaco aya direynaa si aan ugu guuleysano howlaha noogu xeran” ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Xildhibaanada ayaa ka dooday xeerkan, sidoo kalena ku daray talooyinkooda, waxaana ugu dambeyn ay ku ansixiyeen codad gaaraya 141 Cod, ma jirin Xildhibaan diiday, waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lacag gaareysa 137 kun oo doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Guddoonka Golaha ayaa Xildhibaanada usoo jeediyay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo sameynaya dadka ku dhibaateysan gobolada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la muujiyo doorka golaha shacabka, arrintaana si wadajir ah loogu qeyb qaato.

Xildhibaanada ayaa ka dooday soo jeedinta guddoonka iyo lacagaha ay golaha shacabka kaga qeyb qaadanaya howlaha gurmadka ee socda.

Xildhibaanada ayaa dhamaantood soo jeedisay in lacag badan loogu deeqo dadka sidoo kalena si siman loo gaarsiiyo dhamaan degaanada ay saameeyeen fatahaadaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xeray ayaa shaaciyay go’aanka golaha iyo natiijada ka soo baxday dooda Xildhibaanada.

“Xildhibaanada fikirkooda dhiibtay aad ayay u mahadsan yihiin arrintaan waa arrin muhiim ah, guddoonka waxa uu soo jeediyay in Xildhibaan walbo laga jaro 365 doolar oo noqoneyso 100 kun oo doolar, laakiin Xildhibaanada talooyinkooda waxa uu u badnaa in Xildhibaan walbo laga jaro 500 oo doolar oo noqoneyso 137 kun oo doolar, fikirka iyo talooyinka Xildhibaanada ayaa qaadana Golaha Shacabka waxa uu bixinaya 137 kun oo doolar oo la siinayo dadka fatahaadaha ay saameeyeen” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaanada iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si wadajir ah ugu gurmadaan walaalahooda ku dhibaateysan gobolada dalka ee fatahaada, abaarta iyo roobabka ay isugu darsameyn.

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya