GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO BAAQ-NABADEED KASOO SAARAY XAALADA KA TAAGAN MAGALADA LAASCAANOOD

Muqdisho, December 30, 2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa baaq u diray Soomaaliland isagoo sheegay in ay joojiyaan xaalada kacsan ee ka taagan magalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
 
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Shacabka reer Laascaanood uga tacsiyeeyay qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada dadkii ku geeriyoodeeday dibad-baxyadii ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan iyo marxalado colaadeed oo kala gedisan ay soo mareen, maantana aan loo baahnayn in dib loogu laabto dhibaatooyinkaas. Sidoo kale waxaa uu ku baaqay Guddoomiyaha in la ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda deegaanka.
 
DHAMMAAD
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya