GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO MAANTA SHIR GUDDOOMIYAY KULAN LOOGA HADLAAYAY AMNIGA GUUD EE DALKA

Muqdisho, December 03,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 1aad ee Golaha Shacabka oo ajendihiisu ahaa qaybinta iyo aqrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korontada iyo warbixinta xildhibaanada ka soo laabtay deegaan doorashooyinkooda.
 
Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo ajandaha kulanka islamarkaana maanta laga doodo arrimaha amniga dalka, iyagoo sheegay in masuuliyiinta amniga la hor keeno Baarlamaanka si wax loogu weydiiyo xaaladaha amniga dalka, waxaana ay xildhibaanada sheegeen in qorshe la wada og yahay la sameeyo si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo masuuliyiinta.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaannadda u sheegay in Hindisa Sharciyeedka Korontada lagu wareejiyo Guddiga Gaadiidka, Tamarta, Waddooyinka, Dekedaha, Airports-ka iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay amniga iyo xasaannadda xildhibaannadda, isagoo xusay in aan lagu xad gudbi karin islamarkaana lagula xisaabtami doono cidii xildhibaannadda hor istaagto. Guddoomiyaha ayaa faray guddiyada kala ah, Guddiga Difaaca iyo Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga in ay soo diyaariyaan ka soo tala bixinta dooda amniga guud ee dalka.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya