GUDDIGA GAADIIDKA IYO HAWLAHA GUUD OO LA KULMAY WASIIRKA WASAARADDA HAWLAHA GUUD, DIB U DHISKA IYO GURYEYNTA EE DFS.

Guddiga Gaadiidka, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, Dekedaha iyo Tamarta ayaa maanta kulan-hawleed la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Xil. Ismail Abdirahman Sh. Bashiir oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Madaxa Mashaariicda.
 
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Guddiga ee Villa Hargeisa ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan. Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka furey ayaa ugu horreyn u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaradda sida habsamida leh ee ay usoo ajiibeen kulanka loogu yeedhay. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay hawlaha muhiimka ah ee guddiga horyaalla isla markaana xusay inay guddi ahaan diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Wasaaradaha ay guddigani korjoogtayso. Xildhibaannada guddiga ayaa masuuliyiintan ku adkeeyey inay soo gudbiyaan qorshe-hawleedka Wasaaradda iyo shuruucda mudnaanta gaarka ah u leh wasaaradda si logo doodo marka kalfadhigu 2aad furmo.
 
Wasiirka Wasaaradda oo hadal-jeedin ka sameeyey kulanka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay wasaaradda Hawlaha Guud u leedahay dalka iyo doorka ay ka ciyaarto kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda iyo dalkaba guud ahaa. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sidoo kale ka hadlay doorka guddigu ka ciyaari karo inay wasaaraddani noqoto mid shaqadeeda si hufan u gudata isla markaana guddigu garab ku siiyaan sidii wasaaraddu shaqadeeda uga la soo wareegi lahayd Wasaaradaha dawladda ee sida sharci-darrada gacanta ugu haya. Wasiir-dawlaha iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhexmarta wasaaradda iyo Guddigani.
 
Gunanadkii Xildhibaannada Guddiga ayaa soo jeediyey in Wasaaraddu tirakoob ku sameyso hantida ma-guurtada ah ee dawladda ee caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka. Sidoo kale, waxa aad looga hadlay boobka lagu hayo dhulka dawladda, dhulka sida sharci-darrada ah loo dhisanayo iso sidoo kale in la dedejiyo in dib loo sameeyo bullaacadihii (sewage) biyuhu mari jireen ee hadda aan shaqeynin.
 
Ugu dambeyn Guddiga iyo Wasaaradda ayaa isla qaatay in kulan kale la isugu yimaaddo isla markaana la isla faaqido shuruucda hortabinta u leh wasaaradda. Waxaana ay ballan qaadeen labada dhinacba in ay si hufan u wada shaqeeyaan.
 
Dhamaaad
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya