Shir u gaar ah Haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay

Shirweynahan waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Golayaasha Xeerdejinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo hawlwadeennada haweenka ah ee Golayaasha Xeerdejinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxaana kasoo qaybgalkooda gacan ka siisay Mashruuca Gole-kaab oo ay taageerto Hay’adda SSF, Waa madal ugaar ah haweenka  oo ay kaga arrinsanayaan  doorkooda ka qeyb galka siyaasada,  maadama ay dalka doorasho kadhacayso horaanta 2021.

Shirka ayaa waxaa manta  si rasmi ah u furay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Shirkaan  oo ah mid sanadle ah waxaa  sanadkan sigaar ah looga hadlayaa  ka qeyb galka  siyaasada ee haweenka  iyo in hawenku ay helaan waxkabadan boqolkiiba soddon oo ah qoondo ay ku leeyihiin hugaaminta dalka.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan hawenka xildhibnada ah ee labada gole ee barlamaanka,   ururada haweenka,  wasiiro,  haweenka ka socda barlamanada dowladd goboleedyada iyo guddoomiyha  guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka  ayaa socon doona muddo laba maalin ah.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka benaadir  Basma Caamir Shakeeti  oo kusoo dhawysay  ka qeyb galayasha shirka ayaa sheegtay in maamulka gobolku uu wado qorshe ku aadan sidii haweenka dagmooyibnka ay uga qeyb gali lahaayeen   doorashada dalka ka dhici doonto,  haweenka Soomaliyeedna ay muhiim tahay in ay ka tashadaan doorkooda ku aadan hoggaaminta dalka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa hawenka ku dhiira galisy in hadii ay dadalaan ay  gaari kaaraan   meel  wanagsan,  ka wasaard ahaana ay garab taagan yihiin. 

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya