Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo Maanta la Kulmay Xildhibaanada Haweenka Labada Aqal ee BJFS

Guddiga Kmg Ee  Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka Ayaa Maanta Xarunta Guddoonka Iyo Guddiyadda Ee Villa Hargeysa Kulan Kula Yeeshay Haweenka Labada Aqal Ee Bjfs.

Kulankan Oo Ay Ka Qeybgalayn Dhamaan Xubnaha Guddiga Ayaa Waxaa Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Cabdullahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab).

Ugu Horeyntii Guddoomiyaha Guddiga ayaa Soo Dhaweeyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Soo dhawayn kadib

Xildhibaanada Haweenka Ah Ee Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadalka qaatay ayaa Guddiga uga Mahadceliyay Casuumaada ay u fidiyeen

Xildhibaanada Haweenka Labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu Danbayntii Xildhibaanada labada Aqal Ayaa Guddiga Ugudbiyey Talooyinkooda Ku Aaddan Sharciga Doorashooyinka Qaranka. 

 

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya