Wafdi Labada Gole ee BFS oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka qeeyb galay shirka 140 aad ee Barlamaanada aduunka magaalada Doha

Muqdisho: Isniin 08,Apriil 2019

Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ay ka qayb galayaan shirka 140 aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka kaas oo haatan si habsami leh uga socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Shirkan 140aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka waxaa guddoominaya Guddoomiyha Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar.

Shirkan ayaa ah mid la qabto sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladdaha taagan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah laqaatay qaar kamid ah Guddoonada dalalka kasoo qeyb galay shirkaas.

 

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya