Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka ah ayaa la kulmay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada ee Dalka Finland

 

 

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta Aqalka sare kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ku xigeenadiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka dib ka warbixiyay Waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxda Aqalka sare iyo Samuli Virtanen.

“Waxaan bogaadineynaa inuu soo booqday Aqalka Sare, Kulan ayaan la yeelanay wuxuu waday Fariin iyo Salaan uu ka sido Madaxda iyo Shacabka Finland, Waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah Xoojinta Xiriirka Labada dal, Doorka uu leeyahay Aqalka sare iyo sidii loo hormarin lahaa Federaalka.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay isla garteen in Dowlada Finland ay ka qeyb ka qaadato Hormarinta Federaalka Soomaaliya iyo xalinta tabashooyinka ay Dowlad Gobaleedyada ka qabaan Dowlada dhexe.

“Waxaan isla garanay in Dowlada Finland ay door wanaagsan ka qaadato xalinta wada shaqeyn xumada dhex martay Dowlada Dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada iyo sidii Midowga Yurub iyo Dowlada Finland u taageeri lahaayeen Nidaamka Federaalka oo ku cusub Soomaaliya, aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha Wasiirka, inuu fariin fiican la noqon doono ayaan rajeyneynaa”.

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee dalka Finland, Sauli Virtanen, ayaa dhankisa aad u bogaadiyay kulanka uu la qaatay Golaha Aqalka sare, sheeygayna in ay doorweyn ka cayaari doonaan sidii ay ugala shaqayn lahaayeen arimaha federalka Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa shalay la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

 

Tweets Golaha Aqalka Sare

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka qeyb galay munaasabadda 21 guurada ka… https://t.co/79QXyKonXe
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay midoowga la… https://t.co/POdqu3KSEP
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xubno kale oo ka qeyb galay kulan sagootin ah oo loo sameeyay Arday heshay deeq Waxbar… https://t.co/BrlVreXPc8

Tweets Golaha Shacabka

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la qaatay Wafdi ka socday EU-da. https://t.co/MHNtoZNeWS
Munaasabad lagu Daahfurayay Guddiga Sugidda Cunada & Nafaqada Golaha Shacabka ayaa lagu qabtay Muqdisho,waxaana ka… https://t.co/yT5wI9Veom
Guddomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo… https://t.co/kxZhDGaB9l
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya