Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday xafiiska siyaasadda qaramada midoobay (UNPOS)

Muqdisho 09.09.2018,

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday xafiiska siyaasadda qaramada midoobay (UNPOS).

Kulanka ooy goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo xubno ka tirsan Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta ee Aqalka Sare iyo Senatoro kale oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay arrimo la xiriira hindise sharciyeedka dhismaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqqa oo horyaalo Aqalka Sare ee BFS.

Guddoonka Aqalka Sare iyo UNPOS ayaa isla gartay habkii UN-ku gacan uga gaysan lahaa arrimaha farsamo iyo la talinta sharci ee howlaha la xiriira Sharciga.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in Guddiga iyo UNPOS ka wada xiriiraan dardar-gelinta siddii labada dhinac ay si dhow uga wada shaqayn lahaayeen arrimaha la xirriira sharcigaas.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Kulan ay layeesheen xaleey Wafdiga ka socoday Golaha Aqalak Sare Kusimaha Madaxweeyna doowlad goboleedka Koonfur ga… https://t.co/Ia44aV8XQT
Wafdiga Xalinta Qilaafaadka Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka Soomaalya Ayaa kulan Layeeshay Bulshada Ray… https://t.co/lwRoGIkzup
The Upper House FPS delegation for conflict resolution between the Somali Federal government and the States gover… https://t.co/Nuyc4thOpD

Tweets Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka dooday xaalada amni ee… https://t.co/0ghJ5ZwOtx
Berri oo ah Isniin, Tr. 10/09/2018, waxaa qabsoomaya Kulanka furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka… https://t.co/JfjlWKEpN6
Gudiga Joogtada Golaha Shacabka oo maanta La Kulmay Xubnaha Ka Tirsan Labada Guddi Ee Loo Xil Saaray Ka Shaqeynta I… https://t.co/pKxc2lDe6T
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya