Doorashadii 2 aad ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka - Golaha Aqalka Sare

Muqdisho:- Khamiis, 04.04.2019

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019 ka dhacday Xarunta Golaha Aqalka Sare BFS doorashadii 2aad ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka - Golaha Aqalka Sare oo lagu dooranayey Guddomiye,Labada Guddomiye Kuxigeeno ,Xog-haye iyo Khasnaji.

Waxaana u tartamay xilalka kor ku xusan ee Ururka Haweenka Barlamaanka Federaalka Soomaliya- Golaha Aqalka Sare xubno ka tirsan Ururka waxaana kadib markii ay tanaasuleen xubnihii musharaxiinta ahaa marka laga reebo jagada Xog-hayaha Ururka oo ay u taagneyd kaliya Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama ayaa waxaa Ku guuleeystay Xilika kala duwan ee loo tartamay sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare BFS Senator Abshir Maxamed Axmed :-
1- Guddomiyaha Ururka Senator Jawahir Axmed Cilmi.
2-Guddoomiye Ku -Xigeenka Ururka Senator Fadumo Xasan Aadan Gariyow iyo Senator Nuura Faarax Jamac.
3- Xog-hayaha Ururka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama.
4-Khasnajiga Ururka Senator Samsam Ibraahim Cali.

Hadaba, Waxaa xusid Mudan In doorashadan ay ka kasoo qeyb galeen Guddoonka Golaha Aqalka Sare, Senatorada Aqalka Sare, Xubno ka socday Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka, qaar kamid ah Ururada Bulshada Rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Shirkii Wada tashiga Gudiga Maaliyadda Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada ayaa galay Maalintii 5aad Ayaa Waxaa ka… https://t.co/2VUhyEu8cb
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada,Arrimaha Bini'aadinimada,Warfaafinta iyo Dhaqanka ayaa kulan latashi la yeesha… https://t.co/kd3nOMUgxK
Dhageysiga Talooyinka Dowlad Goboleedyada iyo Guddiga Dhaqaalaha iyo Maalyadda Golaha Aqalka Sare ayaa Maalintii S… https://t.co/wjEOuQyffk

Tweets Golaha Shacabka

Guddiga Maaliyadda, ee GHOSH Ayaa manta oo ay Tarikhdu tahay 04/11/2019 waxay kulan Kula yeshen xarunta Gudiyadda e… https://t.co/kHJCs6hnsd
Xildhibaan Samiira Xassan Cabdulle Oo kamid ah wafdi Xildhibaano iyo Wasiiro ah oo ka socda DFS oo maalman danbe ku… https://t.co/0MwrLKJAOH
Mudanayaasha golaha shacabka ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka qareenada Soomaaliyeed iyo… https://t.co/nZgiJi43bU
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya