Xaflada Caleemo saarka Madaxweyneaha Doowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Muqdisho:- 16,Janaayo 2019,

Guddomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Moowliid Xuseen Guhaad ,wafdi Senatara ah iyo hoowl wadeeno ayaa ka qeeyb galay Xaflada Caleemo saarka Madaxweyneaha doowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) , munaasabad ka dhacday Magalada Baydhabo Maanta.Guddomiyaha ayaa Khudbad ka jeediyay munaasabada.

Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka soo qeeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulaahi Farmaajo,Madax ka socotay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD iyo wafdi ka socda Beesha Caalamka.

Guddomiye Ku Xigeenka 2AAD ee Golaha Aqalka Sare-BFS iyo Wafdiga uu hogaaminayay ayaa shaleey oo Talaado aheeyd ku tagay safar shaqo magaalada Baydhabo.

 

 

 

 

 

 

 

 

Tweets Golaha Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay H/sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta ayada oo khrinta 3aad la… https://t.co/mqrU7776Vf
Kulankii 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS. Ajandaha kulanka;Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedk… https://t.co/1J50iW9xJK
Kulankii 26aad ee K/F 6aad ee Golaha Aqalka Sare- BFS.Ajendaha Kulanka ; Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorash… https://t.co/7QqRmosXvb

Tweets Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxamaan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmey ku-… https://t.co/hwOmYo7e7G
Waxaa Haatan Kulan Uga Socda Xaruunta Villa Hargeysa Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS Iyo Guddiga Dhab U Heshi… https://t.co/WVCy2xwYix
Guddiga Maaliyadda, ee GHOSH Ayaa manta oo ay Tarikhdu tahay 04/11/2019 waxay kulan Kula yeshen xarunta Gudiyadda e… https://t.co/kHJCs6hnsd
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya