Godoomiye Cabdi Xaashi oo u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Puntland

Aqalka Sare Aqalka Sare

 

 

Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka federalka Soomaaliyeed, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Gollaha wakiilada ee dowlad goboleedka  Puntland.

Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.

C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Waxaa isna guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Cabdi Casis Cabdullahi Cusmaan, oo kaas wareegga 2aad helay 38 cod halka Cabdixakim oo la tartamayey uu helay 14, ninka dambe waxaa uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga 3aad.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare ayaa ka tacsiyeeynaayo Geerida Ku timid R/wasaarihii hore ee Soomaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur C… https://t.co/X0ACadn1wA
Guddi-Wadajir Ku-meel-gaarka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulankii… https://t.co/SBk9adfq16
Guddi-wadajirka ku meel'gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa Gud… https://t.co/o2lYPxsrYL

Tweets Golaha Shacabka

Waxaa Haatan Si Toos ah u Socdo Xafladda Xiritaanka Kalfadhiga 6-aad ee Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda F… https://t.co/xNVpn9kqyB
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa haatan ka qeyb galaya munaasabad lagu soo xiray… https://t.co/BUBlbrmQP7
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihi… https://t.co/DmVx04IkEA
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya