Print this page

Xildhibaanadda Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan ku yeeshay Xarruunta Golaha Shacabka

September 24, 2018 1634

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen magaaladda Muqdisho 

Kulanka waxaa shir gudoominaayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan,waxaana kulanka soo xaadiray 140 xildhibaan.

Ajendaha kulankoodii maanta ayaa ahaa sii wadista dib u eegista wax ka badalka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulanka waxaa joogay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudeey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanaddii kulanka ka qeyb kalay ayaa soo jeediyay in qaar ka mid ah xeer Hoosaadka Golaha shacabka wax ka badal lagu sameeyo.

Ugu dambeeyntii kulanka waxaa soo xiray Guddoomiyaha golaha SHacabka.