Print this page

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta Ku yeeshay Xarunta Golaha Kulankoodii ugu Horeeyey ee Kalfadhiga 4aad

September 15, 2018 1680
Xildhibanada Xildhibanada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga 4-aad, Kulanka waxaa soo xaadiray 165 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed kuwaasi oo kala ah:

1. Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga.

2. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka.

3. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Naafada.

4. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii.

5. Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanada u jeediyay warbixin ku saabsaneyd qorshe howleedka Golaha Shacabka mudada uu furan yahay Kalfadhiga 4-aad.