Print this page

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA 6-AAD EE GOLAHA LAGUNA ANSIXIYAY XEER-HOOSADKA GOLAHA SHACABKA

December 31, 2022 473
Muqdisho, December 31,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlaayay dhammeystirka dooda Xeer-hoosaadka iyo ansixinta, akhrinta hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ah iyo xildhibaannada oo ka hadlay arinta Laascaanood.
 
Xildhibaan Golaha Shacabka oo marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday rabshadaha ka socda magalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxay ku tilmaameen in shaqaaqooyinkaasi ay yihiin kuwo keeni kara nabad gelyo xumo iyo barakac xoog leh iyagoo Soomaaliliand ugu baaqay in ay xaliyaan xaalada deegaanka.
 
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 143 xildhibaan ayaa looga dooday Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo maray akhrintiisa sadexaad, guddiga Xeer-hoosaadka oo warbxin guud ka siiyay xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu yahay hagaha iyo ilaaliyaha anshaxa iyo xasaannadda mudaneyaasha Golaha Shacabka.
 
Dhanka kale Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo keentay Hindisa Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS. Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayuu Xildhibaannadda u faahfaahiyay sharcigan oo ka kooban 37-qodob ayuu dul istaagay muhiimadda uu leeyahay hadii la ansixiyo uu dalka awood u yeelan karo in uu horumaro nidaamka maaliyadeed, dadkana uu heli karo maalgashi caalami ah iyo inuu dalka helo canshuur dowladda ay kaga maarmi karto deymaha. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa xildhibaannadda u sheegay in la isku soo noqon doono markale si looga doodo sharcigan.
 
Ugu danbaytii Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa meelmariyay Xeer-hoosaadka Golaha waxaana ogolaaday 136 mudane waxaa diiday 5 halka ay ka aamuseen 2 mudane, Intaas kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa kulanka soo xiray .
DHAMMAAD