Print this page

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA AYAA HOYGIISA KU BOOQDAY MADAXWEYNIHII HORE EE JFS ISAGOO UGA TACSIYEY GEERIDA HOOYADII.

September 05, 2022 609

Muqdisho September 04,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe)

ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq geeriyootay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa murugada xanuunka leh la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq, isagoo Alle uga baryey inuu
Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.
 
“Innaa Lillahi wa inna Illaheyhi Raajicuun Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, oo shalay la geeyey gurigeeda dhabta ah waxaan rabi u weeydiineynaa in uu hoygeeda ka dhigo j
annadii Firdowsa dhamaan ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaanna uu ka siiyo"
 
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in marxuumada loo duceeyo waxaana uu Alle u baryey in uu Jannadiisa kawaraabiyo.
 
Dhammaad