Print this page

XOGHAYA GUUD EE GOLAHA SHACABKA OO LOO DOORTAY XUBIN KA MID AH GUDDIGA FULINTA BAARLAMAANKA AFRIKA.

September 04, 2022 605
Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 - 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika. Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqaneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto. Dhammaad