Print this page

KALFADHIGA 1AAD EE GOLAHA SHACABKA OO MAANTA LA SOO XIRAY

August 25, 2022 511
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MAANTA SOO XIRAY KALFADHIGA 1AAD EE GOLAHA SHACABKA IYO GUDDIGA KOR JOOGTEYNTA DIB U-EEGISTA DASTUURKA OO LA DOORTAY. Muqdisho Ogoosto 25,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1aad kulankiisa 16aad, tirada guud ee xildhibaaannadda soo xaadirtay kulanka ayaa ahaa 179 mudane. Guddi ka kooban dhowr xildhibaan oo xaqiiq raadin u aaday xaalada Amni iyo mid nololeeed ee Gobolka Bokool ayaa warbixin looga dhageystay islamarkaasina ay sheegeen in Bulshada Gobolka Bokool ay wajahayaan Amni darro ,Abaara ba,an iyo xaalad nololeed oo kala duwan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale magacabay labada Habdhowre ku-xigeen kuwaas oo kala ah Xil.Sahra Cabdullahi Cigaal iyo Xil.Cabaas Cali Ibrahim, waxaana codka kalsoonida siiyey 175 xildhibaan waxaa ka aamuustay labo Xildhibaan waxaana diiday labo Xildhibaan kale, sidaasi ayuu Guddoomiyuhu sheegay in ay ansax ku yihiin. Dhanka kale Xildhibaannadda ayaa doortay Guddiga korjoogteynta dib u eegista Dastuurka Dalka Shanta xubnood ee Golaha shacabka waxaana ku guuleytay, 1. Xil. Xuseen Qasim Yusuf Iidow 2. Xil. Maxamed Heyle Axmed 3. Xil. Yuusuf Cali Xoosh 4. Xil. Maxamed yusuf Xasan Waliid 5. Xil. Cabdullahi Carab Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xiray Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waxaana uu sheegay intii ay socdeen kulamadii Kalfadhiga 1aad in Goluhu guteen Waajibkoodii saarnaa, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay fasax laba bilood ah galayaan islamarkaana Deegaan doorashadoodu dib ugu laabtaan. DHAMMAAD