Print this page

Gudoomiyaha Aqalka sare BFS ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

October 28, 2018 5573

Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

' Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya,sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan,sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay'.