Print this page

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday xafiiska siyaasadda qaramada midoobay (UNPOS)

September 09, 2018 2891

Muqdisho 09.09.2018,

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday xafiiska siyaasadda qaramada midoobay (UNPOS).

Kulanka ooy goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo xubno ka tirsan Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta ee Aqalka Sare iyo Senatoro kale oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay arrimo la xiriira hindise sharciyeedka dhismaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqqa oo horyaalo Aqalka Sare ee BFS.

Guddoonka Aqalka Sare iyo UNPOS ayaa isla gartay habkii UN-ku gacan uga gaysan lahaa arrimaha farsamo iyo la talinta sharci ee howlaha la xiriira Sharciga.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in Guddiga iyo UNPOS ka wada xiriiraan dardar-gelinta siddii labada dhinac ay si dhow uga wada shaqayn lahaayeen arrimaha la xirriira sharcigaas.