Guddiga Kheyraadka ,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Xibna katirsan Doowlad Goboleedyada Dalka Soomaaliya oo Kulan Kuyeeshay Xarunta Golaha Aqalka Sare

Guddiga Kheyraadka ,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare iyo xubno ka socda doowlad gobolleedyada ka tirsan Doowlada Fedderalka Soomaaliya

ayaa Kulan kuyeeshay Xarunta Golaha Aqalka sare Arbacada Tarikhdu 02 ,May 2018.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Si rasmi ah ufuray Shirka wadatashiga ah.

Guddoomiyaha guddiga kheyraadka qaranka, kaabiyaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka Senator Ilyaas Cali Xasan ee golaha Aqalka sare oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha kaas oo horyaalo golaha Aqalka Sare.

Hindasa Sharciyedkaan sharciga kheyraadka biyaha oo horay uu soo meel mariyay Golaha shacabka ayeey wasaaradda horkeentay Golaha Aqalka Sare.

 

 

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya