Print this page

Guddoomiye Mursal Oo la kulmay Guddi soo baarayo dadkii lagu dilay Kaalkacyo oo uu magacaabay Maadaxweynaha Koonfur Galbeed

June 19, 2019 1588

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay guddi xaqiiq raadin ah ee uu soo magcaabey Madaxweynaha koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis (lafta gareen) dhibaatadii ka dhacadey magaalooyinka dhoosamareeb iyo gaalkacyo ee dowlad goboleedka galmudug taas oo lagu laayey dad shacab ah oo waxba galabsan,

gudigaan oo uu horkacayey wasiirka wasaaradda cadaaladda oo ay ka mid yihiin xildhibaano ,iyo salaadiin iyo malaaqyo oo ka soo jeedo koonfur galbeed .

Gudoomiye Mursal ayaa dhankiisa waxa uu horay u magacaabay guddi xildhibaano ah oo ka gooban 13 xildhibaan kuwaasi oo soo baarayo dad shacab ah oo lagu dilay magaalada Kaalkacyo.

labadaan guddi ayaana lagu wadaa in ay si wadajir ah ay usoo baaraan dadkaa lagu dilay kaalkacyo oo deegaan ahaan kasoo jeedo Maamulka goboleedka Koonfur Galbeed.