Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo maanta Kormeeray Qeybaha Xarunta Golaha Shacabka ay ka koobantahay

Booqashada Guddoomiyaha Cusub Golaha Shacabka Booqashada Guddoomiyaha Cusub Golaha Shacabka

Muqdisho:

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo maanta Kormeeray Qeybaha Xarunta Golaha Shacabka ay ka koobantahay

Mudane Maxamed Mursal sheekh cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Maanta waxa uu booqasho Ku tagay Xarunta Golaha Shacabka isagoo sidoo kale kormeeray Xafiisyada kala duwan ee uu ka koobanyahay Xarunta.

 Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa intaas kadib waxa uu Ku soo wareegay guud ahaan Xarunta Golaha Shacabka asigoo mid mid u kor istaagay dhismayaasha ay ka koobantahay Xarunta, Guddoomiyaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

 Intaas kadib ayaa waxa uu La kulmay Guddoomiyaha Howlwadeenada Golaha Shacabka asigoo bogaadiyay howsha ay u hayaan Dalkooda iyo Dadkooda waxa uuna Ku dhiira galiyay in ay sii dardar galiyaan howsha ay Qaranka u hayaan sidoo kalena ay muujiyaan xilkasnimo iyo dulqaad dheeri ah,Waxa uuna sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in ay yeelan doonto Golaha Shacaabka xarun caafimaad oo u gaar ah si ay Howlwadeenada Golaha Shacabka ugu adeegto si ay u helaan daryeel caafimaad.

Guddoomiye Maxamed Mursal “ Golaha Shacabka waxa uu yeelanaya Xarun Caafimaad oo u gaar ah”.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu La kulmay Agaasimayaasha iyo maamulka guud ee Golaha Shacabka isagoona warbixino ka dhageysatay kuna booriyay in la muujiyo howl karnimo iyo hufnaan.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Guddomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Moowliid Xuseen Guhaad ,wafdi Senatara ah iyo hoow… https://t.co/OZhbMpAhcw
GUDDOOMIYE CABDI XAASHI https://t.co/9RpkqLmRVs via @YouTube
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka qeybgalay xiritaanka tababar ku saabsanaa horumarinta Af Soomaaliga+sawirro https://t.co/ioE0dOOWt4

Tweets Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFJS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub e… https://t.co/RfxOze1Sso
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qal… https://t.co/QMTFUpfRhy
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaa… https://t.co/jmo3wwBmLB
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya