Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa doortay Guddoonkooda Cusub

Muqdisho:Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa doortay Guddoonkooda Cusub. Kulankii ugu horeeyey ay isku imaadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay kasoo qeybgaleen sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Intaas kadib waxaa la guda galay codeynta guddoonka waxaana loo doortay xubnaha soo socdo: Guddoomiyaha Guddiga Xil.Nuur Iidow Beyle sidoo kale waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xil. Sahro Cabdulqaadir Cabduraxmaan Xoghaya guddigana waxaa loo doortay Xil. Xasan Cali Maxamed (Amardambe). Intaas kadib kulankii waxaa soo xiray sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wuxuuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga iyo Guddoonkooda inay dardargeliyaan Howlaha Horyaala.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa xafiiskiis… https://t.co/GbYn8mdwWY
Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare BFS ayaa kulankii 5aad ee Kalfadhiga 5aad yeeshay ,waxaana Shir guddomiyay G… https://t.co/mt6NyscwD4
Kulan saddex geesood ah oo u dhaxeeyay Ururka Haweenka BFS labadiisa Gole iyo Wasaraadda Haweenka ayaa manta ka dha… https://t.co/3hzHtBAAPe

Tweets Golaha Shacabka

مقديشو_الصومال مجلس الشعب الفدرالي رئيس مجلس الشعب الفدرالي الصومالي يلتقي مع وفد من الأمم المتحدة. التقى رئيس م… https://t.co/uE5IuJ7nVr
Gudomiyaha Golaha Shacabka ee BFS @AmbMursal aya manta xafiskisa ku qabilay wafdi ka socday hay’adda QM iyo hay’add… https://t.co/SdhzkCQF6T
Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya… https://t.co/CyGgod6Ylu
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya