Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Kulmay Shaqalaaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sh.cismaan Jawaari ayaa Maanta la kulmay Howlwadeenada Golaha Shacabka JFS.

Kulan siwayn loo soo Agaasimay islamarkaana ay goobjoog ahaayeen inta badan howlwadeenada golaha shacabka ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka ayaa ugu horeyntii waxaa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari,Guddoomiye Jawaari ayaa ku dheeraday Muhiimada Howlwadeenada ay u leeyihiin habsami u socodsiinta howsha baaxada wayn ee Golaha waxa uuna sheegay in ay laf dhabar u yihiin shaqada golaha shacabka waxa uuna uga mahadceliyay howsha baaxada wayn oo ay hayaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid Howlwadeenada Golaha Shacabka oo Guddoomiyaha uga Mahadceliyay Kulankaan Muhiimka ah oo uu Maanta la qaatay Shaqaala Golaha Shacabka waxa ayna uga Mahadceliyeen Maamulka Wanaagsan uu ku hogaaminayo Habsami u socodsiinta Howsha Golaha Shacabka.

 

Tweets Golaha Aqalka Sare

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kulankoodi 3 aad ee Kalfadhiga 5 aad ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare… https://t.co/iBY7T6Kt2t
Golaha Aqalka Sare BFS ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Kulankii 5aad.… https://t.co/UJyFyb9376
Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee #BFSoomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka Xoghayaasha Guud ee Baarlamaanada Adduunka… https://t.co/bqsJGHjqHg

Tweets Golaha Shacabka

Waxaa furmay kulanka 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 144 mudane ayaa kulanka soo xaad… https://t.co/166h7GwFLw
Shirka 5aad ee golayasha xeer dajinta dalka aya malinta Isniinta oo ay taariikhdu ku began tahay 8 bisha April ka f… https://t.co/XZ3O3TNe2N
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS @AmbMursal ayaa shir Guddoomiyay Kulanka gudiga joogtada ah ee golaha oo looga… https://t.co/oC2ajD2ffc
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya