Print this page

Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Golaha Shacabka

March 10, 2018 1815

Xafladaan  sida  heerka sare loo soo agaasimay ujeedkeedana ahaa furitaanka Klafadhig 3-aad ee Golaha Shacabka  ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas,uuliyiin,Martisharaf,Danjirayaasha Soomaaliya u Fadhiya Caalamka iyo Guddoomiyayaasha wakiiilada Dowlad goboleedyada ayaa ka dhacday Xarunta Gen kaahiye ee Ex iskool buluusiya.

Waxaa amaan u jeediyay Marti sharafta kasoo qeyb galay xaflada furitaanka Guddoomiyaha Golha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari, asagoona sidoo kale ka war bixiyay marxaladihii kal duwanaaa ee uu soo maraya labadii kalfadhi ee ka horeeyay isagoona sheegay in wax badan u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaa uu si doo kale carabka ku adkeeyay in Mudaaaasha labada Gole ay mar walba ka dhaxeyso wada shaqeyn loona baahnayhay in halkaas laga sii wado wadashaqeyntaas.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u Furay kalfadhiga 3-aad Baarlamaanka JFS.