Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga.

Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga Waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiya Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga.

kulankan ay wada yesheen jaaliyadda soomaaliyeed ee Turkiga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha balaaran ay jaaliyada Soomaaliyeed u hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Turkiga .

Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan (jawaari) ayaa Jaaliyadda ku amaanay doorkii ay ka qaateen dhawacyadii Qaraxii 14-ka Oktoober iyo sidii ay dhaqaalaha isaga soo aruuriyeen si ay u dhamaystiraan baahiyaha Dadkii isbitaalada ku jiray,isagoo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Turkiga ku booriyay in ay wanaagana kaga daydaan shacabka Turkiga.

Guddoomiayaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aad ugu amaanay Dawladda iyo shacabka Turkiga sida ay had iyo jeer u garab istaaganyihiin Dawlada soomaaliya iyo Shacabkeeda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa u ugu mahadceliyay gudoomiyaha Golaha shacabka fursada uu siiyay, iyagoo u balan qaaday in ay ka shaqayn donaan wada-jirka Soomaalida ku dhaqan dalka Turkiga .

Gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee Turkiga Shiiq maxamed ayaa gudoonsiiyay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari shahaado sharaf, taasoo ka turjumaysa shaqada adag ee uu bulshada u hayo iyo marxaladii adkeyd ee uu gudomiyaha ku shaqaynayay.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Senator Cismaan Macoow ayaa ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka shir Goboleedka Baarlamaanada Waddam… https://t.co/2jMIakEbsS
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa uga mahadceliyay Golaha Wakiilada, wasiirada iyo dhamaan bahwaynta reer… https://t.co/faMFomxIj4
Guddomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Moowliid Xuseen Guhaad ,wafdi Senatara ah iyo hoow… https://t.co/OZhbMpAhcw

Tweets Golaha Shacabka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo la… https://t.co/TLfNXo7Wsx
Guddomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal oo qudbad ka jediyay Shirka 29-ad ee Midowga Barlamanada C… https://t.co/9G3ZLH9KM5
Shirka 29-aad ee Midowga Jaamacadaha Baarlamaanada Jaamacada Carabta ayaa gordhow ka furmay Magalada Cammaan ee Dal… https://t.co/jl4XuYX8ds
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya