Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Burkina Faso ayaa intuu halkaasi joogay waxa uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelisay Dowladda Burkina Faso.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay Oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaanka.

Shalay oo ay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka kasoo ambabaxeen Garoonka Diyaaraadaha Aougadougou ee Dalka Burkina Faso waxaa garoonka halkaasi kasoo sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Burkina Faso Alassane Baka Sakandé,waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Guddoomiyaha Baarlamaaanka walaalaha Jabuuti oo si wadajir shir ugu qabtay Gudaha Garoonka Aougadougou ay ugu mahad celiyeen Shacabka iyo dowladda Burkina Faso marti gelinta shirka iyo soo dhoweynta wafuuda ka qeyb galeysay.

Maanta ayay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dib ugu soo laabteen Magaaladda Muqdisho.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare ayaa ka tacsiyeeynaayo Geerida Ku timid R/wasaarihii hore ee Soomaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur C… https://t.co/X0ACadn1wA
Guddi-Wadajir Ku-meel-gaarka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulankii… https://t.co/SBk9adfq16
Guddi-wadajirka ku meel'gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa Gud… https://t.co/o2lYPxsrYL

Tweets Golaha Shacabka

Waxaa Haatan Si Toos ah u Socdo Xafladda Xiritaanka Kalfadhiga 6-aad ee Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda F… https://t.co/xNVpn9kqyB
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa haatan ka qeyb galaya munaasabad lagu soo xiray… https://t.co/BUBlbrmQP7
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihi… https://t.co/DmVx04IkEA
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya