Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka qaranka oo la kulmay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan kula yeeshay xarunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe.


Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka.

wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka.

 

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka.

Guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walba oo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay.

 

Tweets Golaha Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay H/sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta ayada oo khrinta 3aad la… https://t.co/mqrU7776Vf
Kulankii 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS. Ajandaha kulanka;Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedk… https://t.co/1J50iW9xJK
Kulankii 26aad ee K/F 6aad ee Golaha Aqalka Sare- BFS.Ajendaha Kulanka ; Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorash… https://t.co/7QqRmosXvb

Tweets Golaha Shacabka

Waxaa Haatan Kulan Uga Socda Xaruunta Villa Hargeysa Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS Iyo Guddiga Dhab U Heshi… https://t.co/WVCy2xwYix
Guddiga Maaliyadda, ee GHOSH Ayaa manta oo ay Tarikhdu tahay 04/11/2019 waxay kulan Kula yeshen xarunta Gudiyadda e… https://t.co/kHJCs6hnsd
Xildhibaan Samiira Xassan Cabdulle Oo kamid ah wafdi Xildhibaano iyo Wasiiro ah oo ka socda DFS oo maalman danbe ku… https://t.co/0MwrLKJAOH
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya