Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa la kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo golihiisa wasiirada

 
 Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa la kulan la qaatay  Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo  golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Galmudug.

 Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ahaa dhagaysi iyo talo aruurin la xariiro sharciga doorashooyinka Qaranka.

 Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka,isagoona uga mahadceliyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixinayaan

sharciga doorashooyinka qaranka ee soo diyaarintiisa uu guddigaan KMG ah uu gacanta ku haayo.

 

Golaha wasiiradda galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka usoo bandhigay guddiga.

 Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug

in ay guddiga ga ogolaadaan in ay kulan wadatashi ah oo la xarrriiro sharciga doorashooyinka qaranka ay wada yeeshaan.

 Ugu dambeyntii kulanka uu Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah

xildhibaanadda Galmudug ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

 

 

Tweets Golaha Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare ayaa ka tacsiyeeynaayo Geerida Ku timid R/wasaarihii hore ee Soomaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur C… https://t.co/X0ACadn1wA
Guddi-Wadajir Ku-meel-gaarka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulankii… https://t.co/SBk9adfq16
Guddi-wadajirka ku meel'gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa Gud… https://t.co/o2lYPxsrYL

Tweets Golaha Shacabka

Waxaa Haatan Si Toos ah u Socdo Xafladda Xiritaanka Kalfadhiga 6-aad ee Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda F… https://t.co/xNVpn9kqyB
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa haatan ka qeyb galaya munaasabad lagu soo xiray… https://t.co/BUBlbrmQP7
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihi… https://t.co/DmVx04IkEA
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya