Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta yeeshay Kulankooda 1aad ee Kalfadhiga 6aad

Ajendaha Kulanka Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ee Maanta Waxa Uu Ahaa Dejinta Ajendayaasha Horu Tebinta U Leh Fadhiyada Golaha Shacabka Ee Kalfadhigan Lixaad Ee Golaha Shacabka.

 

Kulanka Maanta Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

 

Kulanka Oo Sidoo Kale ay Goob Joog Ahaayeen Guddoomiye Kuixgeenka Koowaad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ayaa Guddoomiyaasha Guddiga Joogtada Ah Waxaa Laga Dhageystay Warbixino La Xiriira Gudi Walba Sharciyada Horyaala Iyo Sida Ay U Kala Horeeyaan.

 

Intaas kadib Xoghayaha Guud Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux Ayaa Kulanka Ka Dib La Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maalinimada Sabtida ee soosocta oo Y Taariikhdu ku began tahay 19-10-19 laqaban doono kulanka ugu horeyo ee kalfadhiga 6aad Golaha Shacabka.

 

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Xildhibaanada ugu Baaqay in Dalka kusoo laabtaan inta Ka harsan waqtiga.

 

Tweets Golaha Aqalka Sare

Guddiga Joogtada Golaha Aqlka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga Qaran wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. G… https://t.co/MdqhYg0Cs2
Kulankii wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Wasiirada Ma… https://t.co/NBepHk1tkj
Shirkii Wada tashiga Gudiga Maaliyadda Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada ayaa galay Maalintii 5aad Ayaa Waxaa ka… https://t.co/2VUhyEu8cb

Tweets Golaha Shacabka

Guddiga Maaliyadda, ee GHOSH Ayaa manta oo ay Tarikhdu tahay 04/11/2019 waxay kulan Kula yeshen xarunta Gudiyadda e… https://t.co/kHJCs6hnsd
Xildhibaan Samiira Xassan Cabdulle Oo kamid ah wafdi Xildhibaano iyo Wasiiro ah oo ka socda DFS oo maalman danbe ku… https://t.co/0MwrLKJAOH
Mudanayaasha golaha shacabka ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka qareenada Soomaaliyeed iyo… https://t.co/nZgiJi43bU
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya