Guddiga Xaquuqul Insaanka Iyo Arrimaha Haweenka oo Kulan Dood Wadaag ah Ku Qabtay Muqdisho

Guddiga xaquuqul insaanka iyo arrimaha haweenka ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa waxa ay ku qabteen kulan dood wadaag ah oo looga hadlaayay arrimaha xaquuqul insaanka gaar ahaan tacadiyadda ku salaysan Jinsiga.

Sidoo kale kulankaan dood wadaaga ahaa ayaa waxaa dib u eegis lagu sameeyay caqabadaha hortaagan ama hakiyay hindise-sharciyeedka dambiyadda jinsiga oo horay loogu qeebiyay xildhibaanadda Golaha Shacabka.

Kulankaan dood wadaaga ahaa ayaa waxaa ka qeyb galay haweenka labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya uu ka kooban yahay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Inta uu kulanka dood wadaaga ah socday ayaa waxaa la isla meel dhigay qodobada saldhiga u ah tacadiyada ka dhanka xaquuqul insaanka.

Xildhibaanada haweenka ah ee ku jira laba aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa ka codsaday guddoonka golaha shacabka in sharciga Jinsiga lagu soo daro ajendaha kowaad ee kalfadhigga soo socda ee golaha shacabka.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 1 person, closeup and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting and closeupImage may contain: people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting and closeupImage may contain: one or more people and people sitting

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya