Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo Maanta Ansaxiyay Sharci Muhiim Ah

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarrunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa u codeynta hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Kulan waxaa soo xaadiray 144 Xildhibaan,waxaana shir gudoominaayay gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed ‘Taaw’ oo ka mid ah guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa xildhibaanadda u aqriyay meelo ay wax ka bedel ay sharcigaan kusoo sameeyeen Aqalka Sare oo horay sharcigaan loogu gudbiyay.

Aqrin ka dib xildhibaanadda ayaa cod kacan taag ah u qaaday hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta,waxa uuna dhahay sida tan’waxaana ogolaatay sharcigaan 149 xildhibaan,1 xidhbaan ayaa diiday halka sidoo kale hal xildhibaan uu ka aamusay sharciga guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa’isagoona sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu sharcigaan uu ansax yahay.

Ugu danbeyntii guddomiyaha ayaa soo xiray kulankii ay maanta ay yeesheen mudanayaasha Golaha Shacabka.

 

 .

 

 

 

© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya