Print this page

Aqoon isweydaarsiga doorka Baarlamaanada ee Hirgelinta Hiigsiga 2030-ka ayaa Loo qabtay Senatarada iyo Xildhibaanada BFS

December 02, 2018 5693

Muqdisho 02,Deseembar 2018

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa furay aqoon isweydaarsiga doorka Baarlamaanada ee hirgelinta hiigsiga 2030,kaasi oo socon doono mudo 2 maalin ah kaas oo ay ka faa’ideysan doonaan Mudanayaasha Baarlamaanka ee labada Gole.

Aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay labada Gole ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP,waxaana mudada labada maalin uu socdo diirada lagu saarayaa ka mira dhalinta yoolka 2030-ka ee Soomaaliya.

Aqqon isweydaarsigan doorka Baarlamaanada ee Hirgelinta Hiigsiga 2030 ayaa waxaa fulinaya Hay’ada UNDP.