Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 5aad kulankiisa 3aad

 Muqdisho:Khamiis, 17.04.2019

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 5aad kulankiisa 3aad shaleey.

 Ajandaha kulanku ayaa ahaa:

1.Dhagaysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka hirgalinta Dastuurka .
2.Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda .

Kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Abshir Maxamed Axmed.

Marka hore ,Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka hirgalinta Dastuurka ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixin 3 bile ah sida uu faraayo Dastuurka.

Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta 1 aad marsiiyay Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda waxaana golaha ka hor akhriyay Senatar Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo xubin ka ah Gudiga Xeer Hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Ugu dambeyntii kulanka waxaa soo xiray Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Abshir Maxamed Axmed.

Tweets Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka qayb… https://t.co/dfD2Ei6JHS
Guddoonka Labada Aqal ee BFS ayaa kulan la qaatey Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,ayagoo warb… https://t.co/UvERY1TjnM
Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka qeeyb galay munaasabad lagu xasuyay maalinta caala… https://t.co/7foSE0g04L

Tweets Golaha Shacabka

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu qeyb ka yahay guddoomiyaha Baarla… https://t.co/P0vQAKIz05
Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Oo Wehlinaya Gudomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka… https://t.co/S1P0BCdSs6
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la qaatay Wafdi ka socday EU-da. https://t.co/MHNtoZNeWS
© 2018 Xuquuqda Dhawrista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya