×

Warning

JUser: :_load: Unable to load user with ID: 155

Print this page

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka qeybgalay xiritaanka tababar ku saabsanaa horumarinta Af Soomaaliga+sawirro

January 07, 2019 6264

 

Madaxda ka qeybgashey waxaa kamid ahaa guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,guddoomiyaha madaxda Akadeemiyada Afka Soomaaliga Prof Maxamed Daahir Afrax,abwaano,aqoonyahano iyo qeybaha bulshada,iyadoo halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dhalinyaradii tababarka u soo dhamaaday.

Dhamaan madaxda ayaa ku dhiirogeliyay bulshada guud ahaan in ka shaqeeeyana sidii loo horumarin lahaa afka hooyo ee Soomaaliga ah,iyadoo lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan muhiimadda ay leedahay in dadkasta ay horumariyaan afkooda.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabadi Xaashi C/llaahi ayaa dhalinyarada ku booriyay xoojinta barashada afka Hooyo”.

“Af soomaaligu 72 dii wixii ka horeeyey ma qornayn,Sheekh Yuusuf Alkowneyn wuxuu sameeyey hingaad ayuu xuruufta afcarabiga ah u sameeyey oo afsoomaalagu ku fariisiyay oo ana aan ku bartay,wuxuu ku bilaabay alif la kordhabay Alif la hoosdhabay Alif la godey,waxaa weeye afka ma qornayn laakiise wuu badbaadiyay,,waxaan abaal gaar ah u haynaa abwaaniinteena, waxaa ay qaateen dowr wanaagsan”. Ayuu yiri Cabdi Xaashi.